Jariiban: August 02, 2025

K/S Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Abshir Hassan Mohamed oo kormeer shaqo ku jooga Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Degmada Cabdishakuur Maxamed Faarax, Agaasimayasha Waaxyaha Dawladda Hoose iyo shaqaalaha ka shaqaynayey diiwaangalinta caruurta ka yar shanta sano ee Degmada Jariiban.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlgal ballaaran oo lagu dardargelinayo diiwaangalinta carruurta ka yar shanta sano, taas oo hadda si habsami leh uga socota dhammaan deegaanada hoos taga Degmada Jariiban.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, oo kaashanaysa hay’adda UNICEF iyo Maamulka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, ayaa xoojineysa dadaallada lagu hubinayo in la helo xog sugan oo dhammaystiran oo ku saabsan tirada iyo xaaladda carruurta ka yar shanta sano.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top