GARAB ISTAAGGA CIIDAMADA DAWLADDA PUNTLAND.

December 26, 2024: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku dhiirigelinaysaa shacabka Reer Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Guddoomiyaasha Gobolada in la garab istaago dhiiranayaasha Dawladda Puntland oo ku jira hawlgalka la dagaalanka Argagixisada oo ay Dawladdu go’aansatay in laga sifeeyo guud ahaan dhulka Puntland.
Haddaba, Waxaa la rabaa in shacabka Reer Puntland guud ahaan ay ciidanka la garab istaagaan waxkasta oo taakulo ah.
Gobolada Puntland, heer Gobol iyo Degmo waxaa la rabaa in la isa saaro masuuliyad iyo taakulo iyo mid amni.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top