BADHAN, 10 OKTOOBAR 2026: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Hon. Abdi Hirsi Ali – Qarjab, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee degmada Badhan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga gogosha nabadeed ee loo muddeeyey 45-ka maalmood, caqabadaha soo noqnoqda ee dib u soo celiya colaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda, wadajirka bulshada iyo amniga degmada.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka odayaasha dhaqanka, lana helo xal waara oo lagu soo afjaro colaadaha, laguna xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda degmada Badhan.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top