BAAQA NABADEED IYO GO’AANKA SHAQAAQADII KA DHACDAY XARFO.

Xarfo: December 24, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa go’aamo ka soo saaray shaqaaqadii Degmada Xarfo ka dhacday.
Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda labada Gole ee Dawladda Puntland, Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Duqa Degmada Xarfo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland, guddiga odayaasha ee dhex-dhexeedinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay, guddiga odayaasha labada daraf ee dirirtu dhexmartay iyo ergo kala duwan oo ka soo qaybgalay madashaan islaaxa ahayd.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa soo soo jeediyey baaqa iyo go’aamada la isla qaatay oo kala ah:-
1. waxaa la isla qaatay xabad joojin buuxda.
2. In magaalada laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin.
3. In labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024.
4. in darafkii jabiya xabad joojinta lagu heshiiyey lagu ganaaxo lacag dhan $20.000 (Labaatan kun oo Dollar), iyo falkaas khasaaraha ka dhasha.
5. in masuuliyadda amniga guud ahaan Degmada Xarfo ay masuul ka tahay Dawladda Puntland.
6. waxaa kale oo guddigu go’aamiyeen in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay masuul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top