Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga gogosha nabadeed ee loo muddeeyey 45-ka maalmood, caqabadaha soo noqnoqda ee dib u soo celiya colaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda, wadajirka bulshada iyo amniga degmada.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka odayaasha dhaqanka, lana helo xal waara oo lagu soo afjaro colaadaha, laguna xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda degmada Badhan.