Ku: Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangorayo.
Ku: Dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal.
Og: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Nugaal.
Og: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland
𝑼𝒋𝒆𝒆𝒅𝒅𝒐: Wargelin Jadwalka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Dangorayo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal in ay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Dangorayo maalinta Isniinta ah oo ku beegan July 14, 2025, Jadwalka Doorashaduna wuxuu noqon doonaa sidaan hoose:-
𝗝𝗮𝗱𝘄𝗮𝗹𝗸𝗮.
1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟎𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟓 ilaa 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟏𝟑, 𝟐𝟎𝟐𝟓.
2. Dhaarta iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐥𝐲 1𝟒, 𝟐𝟎𝟐𝟓.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
