Balli-dhidin: June , 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) waxay fududeysay kulamada wadajirka ah ee u dhexeeya Guddiyada nabbada iyo Amniga ee billaha ah oo si wadajir ah looga qabtay afarta Degmo ee mashruuca Xasilinta Calmiskaad ee kala ahCarmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn.
Kulammadan waxaa ka soo qaybgalay 20 qof Degmo kasta, guud ahaanna gaaraya 80 qof, kuwaas oo isugu jiray xubno ka tirsan guddiyada nabadda ee deegaanka, Booliska, saraakiisha amniga, Maamulka Degmooyinka, odayaal dhaqameedyo, iyo hoggaamiyeyaal kale oo matala bulshada deegaanka.
Ujeeddada kulammadaan waxay ahayd in la dhiso madal nidaamsan oo lagu xoojinayo isgaarsiinta iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ka dhaxeysa hay’adaha nabadda ee bulshada iyo laamaha rasmiga ah ee amniga.
Hindisahaan wuxuu doonayaa in uu yareeyo farqiga iskudugid mararka badan keena in si daahsan looga jawaabo dhacdooyinka amni-darro, isla markaana la xoojiyo kalsoonida bulshada iyo hay’adaha dowladda
Kulammadii ugu horreeyay waxay fursad u noqdeen in lagu aqoonsado caqabadaha amni ee ka jira deegaanka, laguna wadaago habraacyada digniinta hore (early warning mechanisms), iyadoo la is waafajiyay xeeladaha bulsho iyo kuwa dowladeed ee dhinacyada nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka.
Ugu dambeyntii Kulammadaan ayaa u dhici doona si bille ah , waxaana la rajeynayaa in ay door muhiim ah ka qaataan saameynta muddada dheer ee mashruucaan oo si gooni ah diiradda u saaraya ilaalinta hannaanka xasilinta ee deegaanada Cal-miskaad ee Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Balli-dhidin ee Gobolka Bari.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.