Carmo: April 23, 2025: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyadda Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri oo weheliyaan khuburo iyo aqoonyahan kasocda Wasaaradda ayaa Kormeer iyo Boqasho ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ee Carmo.

Agaasimaha Guud iyo khubarada Wasaaradda waxaa Kuliyadda ku soo dhaweeyey Gen. Muuse Cabdiraxmaan Axmed Xasaasi Taliyaha kulliyada Tababarka Ciidanka booliska Carmo iyo Saraakiisha Tababarka bixinaysa ee ciidanka Booliska Dawladda Puntland ee ku sugan Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska.
Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu tababar uga socdo 500 oo ciidanka Booliska ah ku waas oo ciidanka Booliska Puntland uu qaatay dhalinyaro Reer Puntland oo aqoonyahan ah haystana shahaadooyinka Jaamacadaha ee heerar keeda kala duwan.
Agaasimaha ayaa tababar hal Maalin soconaaya oo ku saabsan sida Booliska iyo bulshadu saaxiib dhow u noqon karaan iyo casharo kale oo muhim ah usoo jeediyay ciidanka.
Sido kale, khuburo kasocotay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa dhankooda tababarka wax kasoo jeediyay, ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay ciidanka kuna amaanay iyaga oo waxbartay inay dadkooda iyo dalkooda u adeegaan.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top