Bursaalax: April 22, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa dhagax-dhiggay xarunta midaynta kaamamka Barakacayaasha ku nool Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Xaruntaan oo loo bixiyey Wadajir kaam ayaa waxaa lagu midayn doonaa dhammaan kaamamka Barakacayaasha gudaha magaalada Bursaalax taas, waxaana la mamnuucayaa kala daadsanaanta iyo bilicdarada ay keentay kaamamka badan oo meelkasta laga dhisay.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo ka duulaya tayeynta iyo horumarinta bilicda magaalooyinka wuxuu maamulka Degmada Bursaalax uga mahadceliyey keenista dhulka iyo hindisidda in la mideeyo kaamamka Barakacayaasha ku nool Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.
Wasiirka waxaa madasha dhagax-dhiga ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug, Duqa iyo ku xigeenkiisa Degmada Bursaalax iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Bursaalax.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top