Ceelbuuh: April 13, 2025: Waftiga Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ee ku sugan Magaalada Ceelbuuh ayaa Booqday iskaashatada Beeralayda Magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag ee Geeldoora.
Iskaashatada Beeralayda Magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag ayaa ugu horayntii uga waftiga Wasiirada uga warbixiyey Xalada guud ee beeraha iyo bahiyaha ka jira Deegqanka, taas oo ay ugu horayso Ceelka biyaha oo xumaaday iyo Green Houses.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale) ayaa bogaadiyey Beeralayda oo dadaal badan ku bixiyey sidii ay dadkooda wax soo saar kala duwan ugu sameyaan kuna bogaadiyey wax qabadka isaga oo kula dardaarmay in ay xooga saaran Dalagyada Cuntada sida Digirta, galayda, haruurka ,Masagada, iyo wixii lamidka ah.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa u mahadceliyey Beeralayda Degaanka Ceelbuuh ee Geeldoora sida wanaagsan ee ay u beereen dalagyo kala duwan oo muhiim u ah guud Deegaanka iyo guud ahaan Puntland. Sidookale, Wasiirka ayaa sheegay in dhanka biyaha dhawaan la dayactiri doono ceelasha.
Dhanka kale, dhammaan Wasiiradii iyo maamulka Gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa Bogaadiyey Beeralayda Degaanka Ceelbuuh iyaga oo shegay in ay wax lagu farxo tahay in shacabka Puntland dhulkooda beerteen kala soo baxeen Dalagyo kala duwan oo faa’iido u leh nolasha guud ahaan dadka Soomaaliyeed.