Garowe: December 10, 2024: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa daahfuray Tababarka xalinta khilaafadka dhulka ee Degmada Garowe.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Garowe Mudane Maxamed Cali Xameri ayaa wasiir ku xigeenka kala qaybgalay Daahfurka Tababarkaan oo loogu talagalay in ay ka qaybgalaan xubnaha Golaha Deegaanka, Guddiga Xalinta khilaafadka dhulka, Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada iyo Waaxda Hawlaha Guud iyo Dhulka ee Dowladda hoose ee Degmada Garowe.
Tababarkaan oo ku saabsanaa Maaraynta khilaafaadka Dhulka Degmooyinka ayaa waxaa hore looga soo qabtay Degmooyinka Badhan iyo Buurtinle ee Gobolada Sanaag iyo Nugaal.
Tababarkaan ayaa waxaa bixinyey Bare Sare Maxamed Muuse Maxamed Kala-kaan waxaana caawinayey Cabdinuur Cali Jaamac oo ka mid ah Hawl-wadannada Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.




