Malintii 6-AAD.

ISKUSHUBAN: June 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dumuqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) oo kaashaanaysa Bahwadaagteeda, waxay si guul leh u qabatay una soo gabagabeysay doodo bulsho oo billaha ah oo ka qayb ka ah mashruuca xasilinta ee Calmiskaad laguna qabtay afarta Degmo ee kala ah Carmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn.
Hawlgalkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda iyo Bahwadaagteedu ay ku xoojinayso maamul-wanaagga deegaannada, lagu dhiirrigelinayo wada noolaanshaha bulshada, laguna adkaynayo xasilloonida deegaanada nugul iyo kuwa kasoo kabanaya colaadaha ka dhacay Calmiskaad.
Doodaha bulshada waxa si dhow loola shaqeeyey maamulka degmooyinkaas ku kuxusan iyo hogaamiyeyaasha bulshada si loo xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran oo loo dhan yahay. Mid kasta oo ka mid ah afarta degmo waxaa lagu qabtay hal fadhi dood.
Intii lagu guda jiray doodaha, waxaa si furan loo siiyey fursad ay bulshada ku cabbiraan tabashooyinkooda, ku falanqeeyaan caqabadaha jira, islamarkaana ay si wadajir ah ugu soo bandhigaan xalal wax ku ool ah oo lagu wajaho dhibaatooyinka deegaanada ka jira.
Arrimaha ugu waaweyn ee laga dooday waxa ka mid ahaa murannada dhulka, khilaafaadka la xiriira qaybsiga kheyraadka, isqabqabsi beeleedka, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo caqabadaha maamul ee jira.
Doodahaasi waxay ku salaysnaayeen is-ixtiraam, wada-xaajood furan, iyo hab-facilinta xasaasiga ah ee lagu dhiirrigelinayo wada hadal nabadeed oo miro-dhal ah. Kulamadaan ayaa sii socon doona iyaga oo u qorsheysan in ay u dhacaan hab bille ah.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top