February 24, 2025: Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabduqaadir Cabdimaalik Maxamuud ayaa Deegaanka Xero-jaale ee Gobolka Mudug ka daahfuray Gogosha wajiga 2-aad ee dhamaystirka Nabadda deegaanka.
Madasha shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye kuxigeenka Degmada Galdogob, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Galdogob, Guddiga Odayaasha ee ka shaqaynayey Nabadaynta Beelaha Deegaanka Xero-jaale ee Gobolka Mudug in muddo ah, ayaa maanta Deegaanka Xero-jaale ee hoos taga Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug kaga qaybgalay Gogosha dhamaystirka dib u heshiisiinta beelaha Deegaanka Xero-jaale ee Gobolka Mudug.
Shirkaan ayaa ahaa shir la isugu keenay guud ahaan Beelaha Deegaanka Xero-jaale ee kala tirsanayey dhibka ka dhashay Rag ku kala dhintay Beelaha dhexdooda, Odayaashaa Beelaha Deegaanka Xero-jaale ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey nabadda in muddo ah Guddiga Dowladda iyo Guddiga Odayaasha ka shaqaynayeen, taas oo maanta gashay wajigii 2-aad ee dhamaystirka Nabadda iyada oo loo balamay, loona balamay in muddo 3 bilood ah lagu gaba-gabeeyo balamaha taagan ee Wax-garadka Deegaanka ku heshiiyeen.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo barnaamijkaan fududaysay ayaa waxay sii wadi-doontaa barnaamijka hor-usocodsiinta Nabadaynta Beelaha Deegaanka Xero-jaale ee Gobolka Mudug ilaa inta laga dhamaystirayo dhammaan dhacdooyinkii laga xaalay ee aan la bixin wixii looga heshiiyey.