Qardho: December 24, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta daahfurey wajiga 3-aad ee shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7 oo lagu qabtay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Ururka Dowladdaha Hoose ee ALGABL, Agaasimayaal Guud, Hay’adaha maxaliga ah, Jaamacadaha, Garsoorka, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka.
Ugu horreyntii waxaa shirka si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud.
Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Dastuurka Dowladda Puntland oo meel badan kala duwanaansho ka jiro iyo in kaabis lagu sameeyo qodobada qaarkood.
Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka.
Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7.