WASIIRKA OO MAANTA HORTAGAY GOLAHA WAKIILADDA DOWLADDA PUNTLAND.

Garowe: Nofembar 17, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta hortagay fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada ee oo ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumadda.
Fadhiga oo looga gol lahaa la xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Maxamed Maxamuud Cali Goojacade, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada Beexaani Axmed Barre iyo Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed.
Xildhibaannada Golaha ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka, Arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, Xuduudaha, Khilaafadka Beelaha, Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deeganka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo tallaabooyinka laga qaaday xal u helidda arrimahaasi. Waxa kale oo laga hadlay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha xasillinta iyo horumarinta dalka.
Arrimaha dimuqraadiyeynta sidii loo dar-dargelin lahaa, wax ka baddelka xeerarka doorashooyinka iyo Wax-ka-baddelka xeer ka mideynta cashuuraha Puntland.
Sidoo kale, xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay. Xildhibaannadu waxay weydiiyeen Wasiirka istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku aaddan caawinta dadka nugul, iyadoo laga dalbaday in gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah loo fidiyo.
Golaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadeynta deegaannada ay colaaduha soo laa laabta sidii wax looga qaban lahaa.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top