BOOSAASO:29,oct,2026: Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan maaraynta musiibooyinka.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, ayaa magaalada Boosaaso si rasmi ah uga furay shir ku saabsan maaraynta musiibooyinka, gaar ahaan khataraha la xiriira duufaannada iyo dhacdooyinka cimilada ee El Niño.
Shirka waxaa Wasiiru-dawlaha ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, waxaana ka qaybgalaya xoghayeyaasha fulinta ee 11 degmo oo Puntland ah iyo agaasimayaasha arrimaha bulshada ee degmooyinka xubnaha firfircoon ka ah Ururka ALGAPL.
Wasiiru-dawlaha ayaa soo dhoweeyey qabsoomidda shirka magaalada Boosaaso, isaga oo ku baaqay in shirarka noocan ah lagu qabto degmooyinka kale ee Puntland, si loo xoojiyo wada-shaqaynta, is-weydaarsiga khibradaha iyo awoodda maamullada hoose ee maaraynta musiibooyinka.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeeri, ayaa bogaadiyey degmooyinka firfircoon ee xubnaha ka ah Ururka ALGAPL, isaga oo ku dhiirrigeliyey degmooyinka kale inay gutaan waajibaadkooda xubinnimo si ay uga faa’iidaystaan tababarrada, shirarka iyo fursadaha uu ururku u abuuro maamullada hoose.
Waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shirarka noocan ah lagu qabto degmooyin kala duwan, iyadoo Wasaaraddu hormuud ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda maamullada hoose.
Shirka waxaa sidoo kale kalmado furitaan ka jeediyey Duqa Degmada Boosaaso iyo Agaasimaha Fulinta ee Ururka ALGAPL, kuwaas oo adkeeyey muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo maamullada hoose ee u-diyaargarowga iyo maaraynta musiibooyinka.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top